Dhudi Yuusuf, gudoomiyihii haweenka Gobalka Mudug, oo Gaalkacyo lagu dilay

Dhudi Yuusuf
Dhudi Yuusuf waxa ay u dhaqdhaqaaqi jirtay horumarka iyo nabadgelyada gobolka Mudug.

Gaalkacyo (Puntland Post) — Ilaah ha u naxariisto e waxaa salaaddii maqrib kadib magaalada Gaalkacyo koox hubaysani ku dishay Dhudi Yuusuf Aadan oo ahayd gudoomiyihii haweenka gobalka Mudug.

Sida wararku sheegayaan, qof dabley ah ayaa Dhudi Yuusuf Aadan ku hor dilay gurigeeda, mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyada dilka marxuumadan.

Wararka la helayo ayaa sheegaya dilkaan in uu geystay nin bastoolad ku hubaysan, waxana ay laamaha ammaanka gobalka Mudug bilaabeen dadaallo lagu ogaanayo cidda ka danbaysa fal-denbiyeedkaan.

Dhowaan ayey ahayd markii isla magalada Gaalkacyo lagu dilay ganacsade Cumar Dheere oo si weyn ugu dhaq-dhaqaaqi jiray horumarka gobalka.

Waqooyiga Gaalkacyo ayaa ah meelaha ugu badan ee dilalka qorshaysan iyo qaraxyada lagu beegsanayo dadka wax-ku-oolka ahi ka dhacaan.