Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaaya wax ka badel lagu samaynaayo Dastuurka Dalka

Muqdisho(Puntland Post)-Baarlamaanka Dawlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta kulamo ku qaadanaaya aqalka Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ka doodaya ajandayaal dhawra oo ay usoo gudbisay Xukuumada Soomaaliya, maalmihii lasoo dhaafayna hor oolaa Baarlamaanka.

Qodobada lagu wado inay maanta Baarlamaanku cod u qaadaan waxaa kamida isbadel lagu sameeyey qaar kamida qodobada Datuurka Dalka, lana filaayo in wax laga bedelo illaa 10 cutub oo kamida Dastuurka KMG ee Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Isbadeladan cusub ayaa kusoo aadaaya xili dhawaan la sheegay in Magaalada Garowe lagu qaban doono shir ay Madaxda Soomaalidu uga hadlayso arimaha Dastuurka walow aan la ogayn halka uu shirkaas oo lagu wadey in la qabto Bishii 5-aad meel uu ku danbeeyey, aysana jirin cid illaa hada hadal haysa, waxaase la filaayaa in dhawaan Madaxda Soomaalidu shir ku yeelan doonaan Magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Baarlamaanka wax ka badelaaya Dastuurka Dalka waxaa mudo xileedkoodii uga haray wax ka yar sadex Bilood, dhawr jeer ayeyna Puntland iyo Maamulada qaar cabasho ka muujiyeen fara gelin joogta ah oo ay Dawlada Soomaaliya ku hayso Dastuurka Qaranka.

PUNTLAND POST