Kampala(Puntland Post)-Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa caawa ku dhawaaqay golihiisa Wasiirada oo ka kooban 50 xubnood, markii dib loo soo doortay Doorashadii 18-febraayo ee sanadkan ka dhacday Dalkaas.
Wasiirada uu Madaxweyne Museveni magacaabay waxaa kamida xaaskiisa Janet Kataaha Museveni oo loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Isboortiska Uganda, iyadoo Doorashadii Dalka kahorna ahayd Wasiiru Dawlaha Gobalka Karamoja.
Magacaabistan uu Madaxweyne Museveni xaaskiisa u magacaabay Wasiir awood badan ku leh Dalkaas ayaa muujinaysa sida aysan Madaxda Afrika u kala saarin qoyskooda iyo xukunka Dalka.
Qoyska Museveni ayaa si aada uga dhex muuqda Dawlada Uganda, Iyadoo wiilka Curadka ee Madaxweynaha uu kamid yahay saraakiisha ugu awooda badan Ciidamada Dalkaas, Iyadoo bishii horena uu Museveni wiilkiisa u dalacsiiyey darajada ugu saraysa Ciidamada ee Sareeye Guud.
PUNTLAND POST