Wasiirka Amniga Puntland oo laga saaray isbitaal ku yaala magalada Jabuuti

qarjabJabuuti(Puntland Post) Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ku dhaawacmay is-rasaaseyn dhexmartay ciidamo ka wada tirsan Puntland ayaa laga saaray Isbitaalka ku yaala magalada Jabuuti oo asbuucyadii lasoo dhaafay lagu dabiibayay.

Qarjab oo la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay inuu caafimaad qabo afar berri ka dibna uu kusoo wajahan yahay Puntland, wuxuu u mahad celiyay dadkii usoo duceeyay.

Is-maandhaaf dhexmaray Gen.Cabdirisaaq Afgaduud iyo Col.Cismaan Afdalow ayaa keentay inuu ku dhaawacmo wasiirka Amniga, markii dambe madaxwaynaha Puntland ayaa labadaasi Sarkaal xilalkii ay hayeen oo kala ahaa Taliyaasha ciimadda Booliska iyo Birmadka ka qaaday markii war bixin laga dhagaystey guddi arrintooda loo saaray.

PUNTLAND POST