Taliska Booliska Gobalka Mudug oo ka digay goobaha bisha Ramadaan Raashinka lagu kariyo

Gaalkacyo(Puntland Post) Mamulka Gobalka Mudug iyo laamaha ammaanka ee gobalka ayaa maanta ka digay goobaha bisha barakaysan ee Ramadaan lagu kariyo cuntooyinka xaaraanta ah iyo dad habeenkii guryaha u dhaca oo moobilada furta, arrintan ayay kaga hadleen shir jaraa’id oo ay Gaalkacyo ku qabteen.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay inay tilaaba qaadayaan cid kasta oo ammaanka lidi ku ah, waxa kale uu u digay dadka raashinka xaaranta ah ku kariya magalada oo aan soobin bisha Ramadaan.

Taliye ku xigeenka qaybta booliska Gobalka Mudug Cabdirashiid Xasan Gabigabi ayaa dhankiisa sheegay inay tilaabo ka qaadi doonaan goobtii lagu arko iyadoo lagu karinayo cunta xaaraan ah bisha Ramadaan, dadka falkaasi ku kacayana sharciga la hor keeni doono, taliyuhu waxa kale uu ka digay dad habeenkii guryaha u dhaca oo dadka baarta.

Ammaanka ayaa si weyn loo ilaaliyaa bisha ramadaan magaalooyinka Puntland, sidoo kale ciidamadda ayaa la dagaalamaya kooxo cuntada xaaraanta ah ku kariyo goobo qarxoon.

PUNTLAND POST