Markii uu shalay Dalka Maraykanka ku geeriyooday feeryahankii Muslimka ahaa ee dunida Caanka ka ahaa, ayaa waxaa tacsiyo kala duwan ka diray Dadka ugu caansan Caalamka , waxayna ku tilmaameen Halyey dunida magac ku lahaa oo geeriyooday.
Dadka geeridaa Maxamed Cali Kalay ka tacsiyeeyey waxaa kamida Donald Trump oo la filaayo inuu noqdo Murashaxa tartanka Madaxtinimada Maraykanka uga qayb geli doona Xisbiga Jamhuuriga, Mr Trump ayaa Maxamed Cali ku tilmaamay halyey magac ku lahaa Dadka Maraykanka oo geeriyooday, lagana tebi doono Maraykanka iyo Guud ahaan Caalamka.
Waxaase arintaa Jawaab adag ka bixiyey ninka u sharaxan inuu noqdo murashaxa xisbiga Dimuqraadiga u ma tali doona Doorashada Maraykanka Sanetor Bernie Sanders, oo ku tilmaamay hadalka Trump mid labba wajiilanimo ah, isagoo tilmaamay in qof kasta og yahay in Donald Trump iyo taageerayaashiisu ay ku sifoobeen Muslim necayb, isla markaana uu Maxamed Cali ahaa Islaam si wanagsan Diintiisa u aaminsan.
Haweenayda iyaduna ugu cad-cad inay noqoto Murashaxa xisbiga Dimuqradiga Hillary Cliton ayaa hadalka Trump ku tilmaantay kuwo aan laga fiirsan, waxayna ku baaqday in dacwad ka dhana hadalada nacaybka xambaraasan in lagu soo oogo Mr Donald Trump.
Allaha u naxariistee Maxamed Cali ayaa sanadkii hore cambaareeyey Donald Trump markii uu sheegay in uu Muslimiinta ka joojin lahaa Maraykanka hadii uu noqdo Madaxweynaha Dalkaas.
PUNTLAND POST