Jaamacadda Bosaso oo qaaday koobka Jaamacaddaha Garowe

Garowe(Puntland Post) Garoonka Kubadda Cagta Mire-Awaare ee magaalada Garowe waxaa shalay galinkii danbe lagu soo gabagabeeyay Tartan dhinaca Kubadda Cagta oo ay isku arkeen markii ugu horaysey Kooxo ku cayaarayay magaca Shan Jaamacadood oo ku yaala magaalada Garowe.

Ciyaarta kaba danbaysta oo dhexmaraystey Kooxaha PSU iyo Boosaso faraceeda Garowe, waxaa u soo daawasho tagay taageerayeel  faro baddan, sidoo kale waxaa garoonka ku sugnaa madax ka socotay Wasaarada Ciyaaraha Puntland, Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, Guddoonka Ciyaaraha gobolka Nugaal iyo dadwayne kale.

Ciyaarta ayaa ka duwanayd kuwii horay la isag horyimid, maadaama garoonka yaalay  Koobkii loogu talagalay in naadiga guulaysta lasiiyo ,kaasoo kooxkastaa ay ku dagaalamaysay.

Ciyaarta oo ku socotay qaab weerar iyo weer celis ah ayaa qaybtii hore ku soo dhamaaatay 0-0 waxaana labada Kooxood ay bilaabeen inay tashiyo dhinaca farsamda ka soo qaataan guddoomiyayaasha Ardayda Jaamacadaha, iyo Tababarayaashooda.

Markii dib la isu soo laabtay ayaa Kooxda ku cayaaraysay magaca Jaamacada Boosaso Faraceeda Garowe waxaa u suurta gashay inay soo qaadaan weeraro badan , taaasoo markii danbe keentay  in khalad lagu galo  Ciyaaryanka Yacquub oo weerarka uga cayaarayay Kooxda Jaamacadas Boosaso, waxaa gool ku laadkaas loo dhigay Gool u badalay Isla ciyaaryahan Yaxquub.sidaasa ciyaartuna waxay ku noqotay 1-0 .

Isku dayo badan oo ay sameeyeen Kooxda Jaamacada PSU ayaan Suurgalin inay Bareejeeyaan Kooxda Boosaso, waxaana guud ahaan Ciyaarta oo xiiso badnayd  ay ku soo dhammaatay 1-0 sidaasna waxaa  guusha kula  hoyatay Kooxda Jaamacada Boosaso(UOB)

Guddoomiyaha Jaamacada Boosaso Cabdirizaaq Axmed Faarax (Qowle ) ayaa markii ciyaartu ay soo dhammaatay bogaadin iyo Hambalyo u diray Kooxda Jaamacada Boosaso oo Koobkan ku guulaysatay markii ugu horaysay ee ee loo qabto Jaamacadaha Garowe, waxaana uu sidoo ammaan u jeediyay dhammaan shantii Kooxood ee tartankaan isku arkay.
111 IMG_8370 IMG_8383 IMG_8404 IMG_8408 IMG_8409 IMG_8412 IMG_8417 IMG_8425 IMG_8446 IMG_8447 IMG_8452 IMG_8456 IMG_8484 IMG_8491 IMG_8499 IMG_8506 IMG_8508 IMG_8511 IMG_8520 IMG_8535 IMG_8548 IMG_8550 IMG_8556 IMG_8557 IMG_8561 IMG_8569 IMG_8609 IMG_8621 IMG_8625 IMG_8626 IMG_8630 IMG_8632 IMG_8648 IMG_8662 IMG_8663 IMG_8664 u
 PUNTLAND POST