Feeryahankii qarniga Maxamed Cali Kalay oo Da’da 74 sano ku geeriyooday

US former heavyweight boxing champion Muhammad Ali gives a punch in front of photographers at hotel Belvedere in Davos 28 January 2006.     AFP PHOTO ERIC FEFERBERG        (Photo credit should read ERIC FEFERBERG/AFP/Getty Images)
Maxamed Cali Kalay oo geriyooday

Arizona(Puntland Post)-Feeryahankii qarnigan ugu caansanaa Maxamed Cali Kalay ayaa goor dhawayd ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Gobalka Arizona ee Dalka Maraykanka sida ay xaqiijiyeen eheladiisu.

Maxamed Cali oo jirey Da’da 74 sano ayaa maalmihii danbaba laga dayrinaayey xaaladiisa, waxayna wararku shegayaan inuu u geeriyooday xanuun xaga sambabada iyo neefsiga ka asiibay.

Kalay ayaa Diinta Islaamka qaatay 1964 oo ahayd markii uu ku guulaystay abaalmarintiisii ugu horaysay, wuxuuna ahaa shaqsi si aada ugu faana Diintiisa.

Sadex jeer ayuu ku guulaystay abaalmarinta feerka culus ee Aduunka.

Puntland Post