Garowe(Puntland Post)-Wuxu si habsamileh u fuliyay Bangiga Amal Barnaamijka maaligalinta fudud oo lagu caawinaayo ganacsatada yar-yar, sidii ay u hormarin lahaayeen gancsigooda,waana qardhul xassan oo macnihiisu yahay Dayn aanfaa’ido saarnayn ama dulsaar lahayn, wuxuuna kafuliyay magaalooyinka kala ah Garoowe, Qardho iyo Bo saaso.barnaamijka maalgelinta Ganacsiga yaryar waxaa iska kaashaday Bangiga Amal ,haya’ada ILO iyo guddiga hormarinta degmooyinka Bosaaso, Qardho iyo garoowe.
Dadka lamaageliyey ilaa hadda ayaa waxay gaarayaan in kabadan 220 qof, , iyadoo aan rajaynayno in dhowana la maalgelin doono dufcooyin kale, waxaana la gudoonsiiyay lacag gaaraysa $290,000, barnamaijkan sanadkii labaad ayuu madax lagalay, hawl-wadeenada barnamaijka maalgelinta waxay u mahadcelinayaan ganacasatadii ka faa’iidaystay sanadkii hore oo kusoo celiyey lacagtii lasiiyey xiligii loogu talo galay.
Puntland Post