Garowe(Puntland Post)-Wasiirka Hawlaha guud iyo Gadiidka Dawlada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa xariga ka jaray guryo Casri oo laga hirgeliyey Caasimada Puntland ee Garowe, waxaana xarig ka jarka guryahaas kasoo qayb galay masuliyiinta shirkada fulisay dhismaha, Mulkiilaha guryahan iyo Dadweyne kale.
Ugu horayn waxaa munaasabada xariga lagaga jaray guryahan ka hadlay Engneer Saciid Axmed Maxamed(Shalmaan) oo ah mulkiilaha guryahan, wuxuuna sheegay inuu guryahan quruxda badan ka hirgeliyey Caasimada markii uu arkay baahi dhanka guryaha oo ka jirta Caasimada Puntland oo sanadihii u danbeeyey horumar xawli ah samaynaysay, Eng Shalmaan ayaa tilmaamay inuu si aada ugu faraxsan yahay inuu Dalkiisa Horumar la taaban karo kusoo kordhiyo.
Mulkiilaha Guryahan loogu Magac daray River site Villas ayaa ugu baaqay bulsho weynta reer Puntland inay maalgashadaan Caasimada Garowe oo ah muriyadii Puntland, isla markaasna ah Magaalo si aada ugu diyaarsan maalgashiga muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, Isagoo tusaale usoo qaatay inuu lacag la’aan ku helay dhulka uu guryahan quruxda badan ka dhisay markii uu ka codsaday, una soo bandhigay maalgelinta uu ka fulinaayo dhulkaas labba muwaadin oo mulkayadiisa horay u lahaa.
Waiirka Hawlaha Guud iyo Gadiidka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo xariga ka jaray guryahan ayaa uga mahadnaqay Engineer Saciid Shalmaan maalgelinta muuqata ee uu ku sameeyey Dalkiisa Hooyo, wuxuuna Wasiirku sheegay inuu Eng Shalmaan taariikhda Puntland baal-dahaba ka galay, isagoo dhanka kalena Muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay maalgashadaan guud ahaan Magaalooyinka Puntland oo ay ka banaan tahay Fursado ay faaido badan ka heli karaan.
Guryaha River Site Villas oo Magaalada Garowe kaga yaala goob aad muhiim u ah ayaa ka kooban 6-guri oo mid waliba leeyahay dayr waasaca oo u gaara, wuxuuna guri walba ka kooban yahay Afar qol oo jiifa,qolalka fadhiga iyo qadada,labba suuli,haantii biyaha iyo barkadda lagu shubto biyaha xareeda.
Guryahan ayuu mulkiiluhu sheegay in laga kirayn doono qoysaska iyo cid kasta oo doonaysa inay degto.
Guryahan Cusub ee laga dhisay Caasimada ayaa tusaale wanaagsan u ah Horumarka ay Magaalada Garowe samaynaysay sanadihii ugu danbeeyey, waxaana maalinba maalinta ka danbaysay ay Caasimada Puntland yeelanaysa Waji qurux badan oo ka duwan keedii hore.
Puntland Post