Madaxwaynaha Turkiga oo lagu soo dhaweeyay magalada Muqdisho

Muqdisho(Puntland Post) Madaxwaynaha waddanka Turkey ayaa lagu soo dhaweeyay magalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya, soo dhaweyniisa waxaa ka qayb galay madaxda DFS,Diblumaasiyiin iyo madaxda saafaradda Turkey ee Muqdisho.

Labada madaxwayne ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubto ka mid ah ciidanka xoogga dalka, waxaana wafdiga Recep Tayyib Erdogan loosoo galbiyay safaradda cusub ee Turkey Muqdisho ka furtey, kaasoo maanta xarriga laga jarayo.

Erdogan ayaa lagu wadaa saacadaha uu jooga Muqdisho inuu booqdo xarumo kale oo qay dowladiisu garab istaagtay, sidoo kale wuxuu xarriga ka jarayaa isbtaal cusub uu ka hir galiyay magalada.

Waa markii saddexaad uu madaxwaynaha Turkey yimaado Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, waxana laga xasuustaa sidii u garab istaagay Soomaaliya xilligii abaaraha xun ka jireen qaybo baddan oo dalka ka mid ah sannadkii 2011, barnaamijyo horumarineed oo ay ka mid yihiin dib u dhiska waddooyinka, taageerada waxbarashada iyo caafimaadka ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu xasuusto uu madaxwaynahan Muqdisho ka hir galiyay.

PUNTLAND POST