Wasaarada Ganacsiga Puntland oo baaraysa tayada badeecadaha soo gala Dalka

Garowe(Puntland Post)-Wasiirka Ganacsiga Dawlada Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle(Indha-guran) ayaa sheegay inay Wasaaraadiisu samaysay waax ama qayb u xil saaran baarista tayada badeecadaha soo galaaya Dekadaha iyo Garoomada Puntland, markii ay arkeen wax yaabo tayo liita oo Dalka lasoo gelinaayo.

Wasiir Indha-guran ayaa tilmaamay inay waaxdan cusub ay kantarool iyo daba-gal ku samayn doonto tayada badeecadaha soo galaaya Dalka, sida Taariikhda ay soo baxday Badeecadu, xiliga ay dhacayso iyo inay ku haboon tahay in Dalka lagu isticmaalo.

Wasiirka ayaa sheegay in horay badeecad aad u tayo daran Dalka lasoo gelin jirey,wuxuuse balan qaaday inay ka hor tegi doonaan in Dalka lasoo geliyo wax kasta oo khatar gelin kara muwaadiniinta.

Dalalka nugul oo ay kaalinta hore kaga jirto Soomaaliya ayaa la sheegaa in lasoo geliyo badeecado aad u taya daran mararka qaarna sababa xanuuno khatara, wax yaabaha tayada liita ee lasoo geliyo Dalka oo ay qaarkood dhaafeen wakhtigii loogu talo galay in la isticmaalo waxaa kamida Dawooyinka iyo Cunada.

Puntland Post