Ankara(Puntland Post)-Golaha Wasiirada Dawlada Turkiga ayaa qalinka ku duugay deeq lacageed oo garaysan $2 Milyan oo Doolar oo bil walba uu Dalkaasi siinaayo Soomaaliya, taas oo wadarteeda guud noqon doonto sanadkiiba $24 Milyan oo Doolar inuu siin doono Turkiga Dawlada Soomaaliya.
Lacagahan cusub ee kaalmada ah ayaa lagu kabi doonaa Miisaaniyada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, sida uu shaaciyey Wargeys ku hadla afka Dawlada Turkiga.
Qaybta ugu horaysa ee lacagtan ayaa lasoo marin doonaa Wasaarada arimaha Dibada Turkiga, waxayna noqon doontaa 6 Milyan oo doolar oo hal mar lasiinaayo Soomaaliya.
Dawlada Turkiga ayaa siweyn arimaha Soomaaliya uga dhex muuqatay tan iyo sanadkii 2011 oo uu Madaxweynaha Turkigu booqasho rasmi ah ku yimi Muqdisho, markii ay Dalka ka dilaacday abaartii sababtay macaluusha baahsan, waxaa Magaalada Muqdisho ka hawl gala tiro hay’ado samafal uu Turkigu leeyahay, waxaana la aaminsan yahay inuu Turkigu doonaayo inuu Soomaaliya ka samaysto saldhig Milatari oo aad u weyn.
Puntland Post