Urur weynaha Midowga Afrika ayaa Jeneraal Cismaan Nuur Subagle oo kasoo jeeda Jamhuuriyada Jabuuti u Magacaabay inuu noqda taliyaha Guud ee Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Ka hawl-gala Soomaaliya.
Wakaalada Wararka ee Jabuuti oo warkan shaacisay ayaa sheegtay in Jeneraal Subagle uu la wareegi doono 22 kun oo kamid ah nabad ilaaliyaasha AMISOM ee ku sugan Dalka Soomaaliya.
Jeneraal Subagle oo sanadihii 2012-2013 soo noqday isla Taliyaha Ciidamadan ayaa xilka taliyanimo kala wareegi doona sarkaal kasoo jeeda Dalka Kenya, wuxuuna Subagle waayadii danbaba si aada uga dhex muuqday shirarka lagu gorfeeyo arimaha AMISOM ee ay yeeshaan Dawladaha ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa Ciidamada AMISOM ku eedeeya inaysan daacad ka ahayn hawl-galka ay u joogaan Soomaaliya, marka la eego sida uu gaabiska u yahay hawl-galada ka dhanka Al-shabaab ee ay kawadaan Soomaaliya oo madaxa lasii gelaaya 10 sano, walow ay xogaa Horumara kasameeyeen tan iyo markii hawl-galkan soo bilowday sagaal sano kahor.
Lama oga waxa uu Generaal Subagle ka badeli doono hawl-galka gaabiska u muuqda ee AMISOM.
Puntland Post