Muran xoogan oo hareeyey shirka madasha wadatashiga Qaran

Muqdisho(Puntland Post)-Iyadoo wali magaalada muqdisho ee Xarunta dalka soomaaliya uu ka soconayo Shirka Madasha wada Tashiga Qaran oo galay maalnimadii Afaraad,  ayaa wali waxaa jira Qilaaf iyo Muran hareeyey horay u socodka shirka.

Shirkaan ay leyihiin madaxda soomaalida ayaa  waxaa Hareeyey Dood iyo is qab qabsi ka taagan, xaquuqda uu Gobalka Banaadir ku yeelan karo aqalka sare, Maadama aan horay loogu xusan heshiisyadii hore, ayna Madaxda Dawladu doonayaan in dib loogu noqdo heshiiskii hore xubno dheeri ahna lasiiyo Gobalka Banaadir, halka ay si aada arintan uga biyo diidsan yihiin Maamulo ay kamid yihiin Puntland iyo Jubbaland.

Wararka ay warbaahinta Puntland Post Heleyso ayaa sheegaya In madaxdu ay  Maanta Dood Dheer ka yeelan doonaan Qaabka loo soo xulaayo  Xildhibaanada soomaaliya   Iyo Tirada ay kala helayaan Dowlada Gobaledyada  Iyo Xubnaha ka imaanaya Gobalka Banaadir.
Ugu denbeyntii Maanta ayaa la filayaa in magaalada muqdisho lagu soo  Gaba gabeyo shirka madasha wada tashiga qaran.

 Saciid xasan

Puntland post

Muqdisho-so