Kampala(Puntland Post)-Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo socdaal ku maraaya Dalalka Geeska Afrika ayaa xalay siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Kampala ee Caasimada Dalka Uganda.
Madaxweyne Erdogan oo ay safarkiisa ku weheliyaan xubno ay kamid yihiin Xaaskiisa Emine Erdogan iyo Raisul Wasaare ku-xigeenka Dalkaas, ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Entebe kusoo dhaweeyey Wasiirka Arimaha dibada Dalka Uganda Sam Kutesa iyo Saraakiil sare oo katirsan Dalkaas.
Madaxweynaha Turkiga ayaa casumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Yoweri Museveni, waxaana lagu wadaa inay maanta kulamo ku qaataan aqalka Madaxtooyada Uganda, iyagoo siweyn u faaqidi doona xiriirka labadda Dal ee Turkiga iyo Uganda.
Madaxweyne Erdogan ayaa Uganda ugasii gudbi doona Dalka Kenya, halkaas oo uu wada hadal kula yeelan doono Madaxda ugu saraysa Dalkaasi Kenya.
waxaana la filayaa inuu socdaalkiisa Bariga Afrika kusoo afmeeri doono Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya maalinimada Jimacaha oo uu kulamo kula qaadan doono Madaxda Soomaalida.
Puntland Post