Nairobi(Puntland Post)-Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Kenya Joseph Nkaisserry ayaa shaaciyey inay albaabada u laabi doonaan Bisha November ee Sanadkan xeryaha qaxoogtiga Dhadhaab oo ku yaala Gobalka Soomaalida ee Dalkaas.
Xeryahan Qaxootiga la xiri doono sanadkan waxaa ku nool Dad ka badan nus malyuun intooda badan kasoo cararay colaadaha 26-kii sano ee ugu danbaysay ka hol-caayey Dalka Soomaaliya, waxayna Kenya xiritaanka xeryahaas ku sababaysay sababo amaan, iyagoo sheegay in weerarada argagixiso ee ka dhaca Dalkooda badi laga soo abaabulo xeryaha qaxootiga.
Ha’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay UNHCR ayaa Dawlada Kenya ka codsatay inay dib u fiiriso go’aankan si aan loogu xad gudbin xeerarka Caalamiga ee Bini’adatinimada iyo Qaxootiga, waxayna Hay’adaasi tilmaantay inaysan jirin wax cadaynaaya in weerarada ka dhaca Kenya laga soo abaabulo Xeryaha Dhadhaab.
Wasiirka Arimaha gudaha Kenya ayaa sheegay inay Dawlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay kala shaqayn doonaan sidii Dalkooda dib loogu celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee halkaas ku jira.
Xeryaha dhadhaab ayaa la furay sanadkii 1991-dii, markii dagaaladii Sokeeye ka qarxeen Soomaaliya, ayna qaxooti tiro badan oo Soomaaliyeed harqiyeen Dalka deriska ah ee Kenya, Qaar kamid ah Dadka ay sheegayso inay Kenya Celinayso waxay halkaa ku noolaayeen 26 sano, halka qaarkoodna ayba ku dhasheen, kuna caruur dhaleen xeryahaas qaxootiga
Puntland Post