Kismaayo(Puntland Post)-Ciidamada Dawlada Gobaleedka Jubbaland ayaa hawl-galo ay ku baacsanayaan xarakada Al-shabaab ka fuliyey degaanka Buulo Gaduud oo Magaalada Kismaayo qiyaastii u jira 30-km, waxayna halkaas ku dileen saraakiil sar sare oo katirsan kooxda Al-shabaab.
Maydka ay Jubbaland soo bandhigtay oo gaaraya afar ruux ayaa waxaa ku jira Maxamed Duuladayn oo kamid ahaa saraakiisha ugu caansan kooxda Al-shabaab, laguna eedeeyo inuu abaabulay weeraro tiro badan oo si qorshaysan loo fuliyey, waxaana weerarada Duuladayn lagu eedeyey kamid ahaa weerarkii Jaamacada Garisa oo ay Dawlada Kenya sheegtay inuu soo abaabulay Duuladayn.
Maxamed Duuladayn ayaa madaxiisa horay loo dul dhigay lacago fara badan, Dawlada Kenya ayaa dhaqaale xoogan dul dhigtay soo qabashada Maxamed Duuladayn.
Warar dheraad ah oo ka imaanaya degaanka Buulo-gaduud ayaa sheegaya in hawl-galkan ay qayb ka ahaayeen Ciidamo si gaar ah u tababaran oo watay diyaarado, ayna leedahay Dawlada Maraykanku.
Kooxda Al-shabaab kama aysan hadal sheegashada Jubbaland ee dilka saraakishan katirsan Kooxdaas.