Dabley hubaysan oo weeraray mid kamid ah xarumaha Dawlada Soomaaliya ku qaadayso Imtixaanka shahaadiga

Muqdisho(Puntland Post)-Dabley si aada u hubaysan ayaa weerar ku qaaday Iskuulka Hoose, Dhexe & Sare ee lagu magacaabo Baarbe oo ku yaal Degmada Dharkaynlay ee Gobalka Banaadir.

Kooxdan oo lagu qiyaasay Lix nin ayaa rasaas xoogan ooda kaga qaaday Iskuulkaas oo kamid ah goobaha ay Dawlada Federaalka ee Soomaaliya ku qaadayso Imtixaanka shahaadiga, waxayse wararku sheegayaan in kooxdaas hubaysan ay iska caabin kala kulmeen Ciidamo xoogan oo ay horay Dawladu u geysay goobaha lagu gelaayo Imtixaanka shahaadiga.

Mid kamid ah saraakiisha Booliska Gobalka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay inuusan werarkan dhalin wax khasaare ah, ayna talaabo adag ka qaadeen kooxihii soo weeraray, markii ay gacanta ku dhigeen labba kamid ah kooxda weerarka soo qaaday.

Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa horay usheegay inay si aada u adkayn doonaan amaanka Goobaha lagu gelaayo Imtixaanka shahaadiga, waxaase jira wel-wel xoogan oo dhanka amaanka kaas oo haysta waalidiinta iyo ardayda Imtixaanka u fadhiya, qaar kamida Ardaydii Imtixaanka geli lahaa ayaa cabsi darteed uga baaqsaday.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan, hase ahaate laamaha Amaanka Muqdisho ayaa  ku eedeeyey xarakada Al-shabaab.

Puntland Post