Cawaale Qaaddiid oo DFS iyo mamuladda dalka ugu baaqay in bisha Ramadaan qaadka la hakiyo

Muqdisho(Puntland Post) Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale (Qaaddiid) ayaa dowladda dhexe iyo mamulada dalka ugu baaqay in bisha barakaysan ee Ramadaan qaadka la joojiyo si umadda uga nabad gasho, ka dib kulamo wacyi galin ah oo uu ku qabtay qaar ka mid ah Jaamacadda ku yaala magalada Muqdisho.

Ardayda Jaamacadda Somalia International University (SIU) ayuu ku wayci galiyay shalay in dhankooda ay xoojiyaan wacyi galinta qaadka si dhaqaalaha faraha baddan ee Soomaaliya ka aadaya dalalka Itoobiya iyo Kenya u baaqsato, wuxuu madaxda dowladda dhexe iyo kuwa mamulada dalka ugu baaqay in bisha Barakaysan ee Ramadaan qaadka la hakiyo si la mid ah cuntooyinka xaaraanta ah ee lala dagaalamo.

Qaaddiid ayaa sheegay qaadka inuu ka mid yahay masiibooyinka waddanka ku habsaday, haddii wadajir loola dagaalamana uu wax badan iska badali doono marxaladda dalka, shacabka Soomaaliyeed ayuu ka codsaday inay codkooda midaayaan kuna xoojiyaan Baarlamaanka dalka inuu go’aan muuqda qaadak kasoo saaro.

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhowaan su’aalo toos loo waydiiyay ayaa mid ka mid ah waxay ka hadlaysey qaadka, wuxuuna tilmaamay inuu qaadku mushkuliyad weyn waddanku ku hayo lana joojin doono.

Abuukar Cawaale oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaa qaadka ka joojiyay waddanka Ingiriiska, wuxuuna hadda usoo wareegay Soomaaliya si looga joojiyo qaadka, hase yeeshee qaadka waxaa xooggiisa ka shaqeeya hooyooyin Soomaaliyeed oo sheegay inaysan wax masruuf ah u heli karin haddii ay qaadka joojiyaan qoysaskooda danyarta ah, waxayna baddankooda tilmaamayaan haddii fursado kale la siiyo inay qaadka joojin doonaan.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12
PUNTLAND POST