Muqdisho(Puntland Post)-Shirka Madasha wada-tashiga Qaran ee Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamulada Dalka ayaa maanta lagu wadaa InLagu soo Gabag-gabeeyo Magaalada muqidsho ee Casimada Dalka soomaaliya.
Shirkaan oo lagu falan qeeyey labadii maalmood ee ugu danbaysay Qodobo dhowra, ayaa la sheegayaa in lagu heshiiyey inta badan qodobadii laga dooday, kuwa dhimana madaxdu ay Maanta dood ka yeelan doonaan.
Afyaheenka Madaxweynaha soomaaliya Dau’uud aweys oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in madaxda Ka qebgaleysa shirka inta badan isku afgarteen qaabka Doorashada Uga dhici laheed casimadda soomaaliya Iyo casimaddaha maamulada Dalka.
Ugu danbeyntii Madaxda Dowlada soomaaliya iyo kuwa maamulada ayaa La filyaa inay manta Go’aan wadajira kasoo saaraan qodobada lagu heshiiyey.
Puntland Post