Dadkii loo haystay qaraxii diyaarada Daallo oo maanta xukuno kala duwan lagu ridey

Edaysanayaasha loo haysto qarixii Diyaarada Daalo
Edaysanayaasha loo haysto qarixii Diyaarada Daalo

Muqdisho(Puntland Post)-Maxkamada darajada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta la hor keenay eedaysanayaal loo haystay inay ka danbeeyeen qaraxii loo geystay Diyaarada Daalo markii ay saacao yar un ka kacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho..

Maxkamada ayaa edaysanayaashaan ku ridey xukuno kala gedisan markii qaarkood lagu helay inay si toos ah ugu lug lahaayeen qaraxyadaas, Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ayaa sheegay in C/wali Maxamuud Macow iyo Careys Xaashi Cabdi oo maqane ah ay ku riday xukun cimrigaa haku furto ah ama xabsi daa’im.

C/wali Maxamuud Macow oo ahaa madaxii amniga ee hey’adda duulista iyo saadasha hawada ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, wuxuuna ahaa ninkii fududeeyey Laabtoobkii diyaarada lagu qarxiyey in lala soo galo Garoonka isagoo aan la baarin, lalana fuulo diyaarada.

Sidoo kale, Abshir Maxamed Macalin Axmed, Safiyo C/laahi Xasan Cali waxaa ay ku xukuntay afar sano oo xabsi ciidan ah, halka Liibaan Maxamed Yalaxow, Cumar Muxudiin Xuseen (Qoorey) iyo Maxamed Cabdi Cilmi ay ku riday xukun ah min hal sano oo xabsi ciidan ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale waxaa ay xukun min lix bilood oo xabsi ciidan ah ku riday dadka kala ah; Bashiir C/laahi Afrax, Cali Nuur Salaad Diiriye iyo Aadan Daahir Diiriye.

Maxkamada ayaa xoriyadooda usoo celisay shan qof oo kale oo la sheegay in wax danbi ah lagu waayey.

Puntland Post