Muqdisho(Puntland Post) Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa galabta soo gaaray magalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Wafdiga Gaas waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xubno ka mid ah labada golla ee xukumadda iyo Baarlamaanka iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Puntland oo horay ugu sugnaa Muqdihso.
Soo dhaweynta Dr.Gaas iyo masuuliyiinta la socota ka dib waxay warbaahinta kula hadleen qaybta nasashada ee Aadan Cadde, waxaa hadalka ku horeeyay wasiirka Duulista hawadda DFS Cali Axmed Jaamac (Jeengalli) wuxuuna sheegay socdaalka wafdiga inuu qayb ka yahay shirka madasha oo ka furmaya magalada Muqdisho.
Madaxwayne Cabdiweli Cali (Gaas) ayaa sheegay inay ka qayb galayaan shirka madaxwaynayaasha mamuladda iyo kuwa DFS oo Muqdisho ka furmaya kaasoo looga hadlayo geeddi socodka iyo hanaanka doorashada 2016, wuxu sheegay inay muddo saddex cisho ah ku suganaan doonaan magalada Muqdisho, kaddibna ay dib ugu laabanayaan Puntland.
Wafdiga Gaas waxaa ka horeeyay wafdi kale uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxayna sidoo kale u yimaadeen Muqdisho ka qayb galka shirka madaxda.
PUNTLAND POST