Muqdisho(Puntland Post)-Safar la filaayey inuu Raisul Wasaaraha Dawlada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali uu ku tago Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobalka Galgaduud ayaa maanta baaqday, iyadoo aysan xukuumada Soomaaliya aysan ka hadal sababaha keenay inuu Raisul Wasaare Cumar ka baaqdo safarkaas.
Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka la baxay Gobalada dhexe ee Soomaaliya oo ka hadlay baaqashada safarkii Raisul Wasaaraha, ayaa sheegay inuu lasoo socod siiyey Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid baaqashadiisa, uuna u sheegay inay haysato shaqo qaran oo uusan kasoo bixi karin.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa intaas ku daray inay siweyn ugu diyaar garoobeen imaanshaha Raisul Wasaaraha Magaalada Dhuusamareeb.
Rasiul Wasaare Cumar ayaa la filaayey inuu dhex-dhexaadin ka dhex bilaabo labadda Maamul ee Alusuna oo isku badelay Maamul Gobaleedka la baxay Gobalada Dhexe oo fadhigiisu yahay Magaalada Dhuusamareeb, aan haysana aqoonsiga Dawlada Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug oo fadhigiisu yahay Degmada Cadaado, haystana aqoonsiga Dawlada.
Labadan Maamul ayaa si aada ugu hardamaaya cida Maamuli doonta Gobalada Galgaduud iyo Koonfurta Mudug, waxayna labaduba kala haystaan taageerada Qabaailada ku xoogan degaanadaas.
Puntland Post