Xildhibaan katirsan Barlamanka Federalka Somalia oo xarumo Garowe ku yaalla deeq gaarsiiyay

GAROWE(Puntland Post)- Xildhibaan Abshir Xasan Abshir oo katirsan Barlamanka Somalia ayaa booqday xarumo muhiima ah magaalada Garowe, wuxuuna gaarsiiyay kaalmo Xoolo ah, isagoo maamulka goobahaasi ka waraystay xaaladooda.

Mudanaha ayaa ugu horrayn tagay cusbitaalka Garowe, wuxuuna xaaladdiisa ka waraystay Agaasimaha Guud Dr. Cabdisamad Maxamed Jaamac, wuxuuna u sheegay inay wanaagsantahay isagoo uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimi.

Xildhibaanka ayaa ka qoray Agaasimaha baahiyaha cusbitaalka, wuxuuna sheegay inuu gaarsiin doono dowladda Federalka, gaar ahaan wasaaradda Caafimaadka, isagoo sidoo kale ku wareejiyay deeq Xoolo ah oo ugu talagalay bukaannada.

Sidoo kale Abshir Xasan, ayaa tagay xarunta lagu xanaaneeyo dadka dhimir ka xanuunsanaya, isagoo u geeyay dhawr neef oo uu sheegay inay nacfiyaystaan bukaanka, wuxuuna maamulka ka waraystay xaalada dadka Nasrullaah ku jiray.

Waa markii ugu horraysay mas’uulkan uu yimaado Garowe, tan iyo markii booskaasi dhawr bilood ka hor lagu wareejiyay.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES
PUNTLAND POST