Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya oo lagu weeraray degaanka Dhoobley

Garowe(Puntland Post)-Wararka ka imaanaya Gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay jidka u galeen inta u dhaxaysa degaanada Dhoobley iyo Taabto, kolonyo ay leeyihiin Ciidamada ku shaqeeya magaca AMISOM ee ka yimi Dalka Kenya.

Wararku waxay tilmaamayaan inu halkaas ka dhacay dagaal qaraar oo dhex maray labadda dhinac lamase xaqiijin karo inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya ee ku sugan Dalka Soomaaliya ayaa beeniyey in Ciidamadooda lagu weeraray degaankaas.

Kooxda Al-shabaab ayaa Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dawlada la beegsada weeraro si aada u abaabulan, kuwaas oo marar kala duwan dhaliyey Khasaare dhimasho,dhaawac iyo mid hantiyeed iskugu jira.

Puntland Post