Madaxweynaha Dawladda Puntland oo siweyn loogu soo dhoweeyey magaaalda Garoowe ee caasimadda Puntland

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo muddo 5 cisho safar shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee Caasimadda dawladda Puntland halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kanooko ee duleedka magaaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, guddoomiyaha Baarlamaanka dawladda Puntland  Axmed Cali Xaashi, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo boqollaal dadweyne ah.

Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha waxaa loosoo gudbiyey qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe,  halkaas oo uu kula hadlay  qaybaha kala duwan ee warbaahinta isla markaana uga warbixiyey safarkii uu ugu maqnaa magaalada muqdisho iyo waxyaabihii uga soo hirgalay.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in safarkiisii uu guul kusoo dhammaaday maadaama Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya uu xeer Madaxweyne ku meel mariyey heshiiskii ay wada gaadheen dawladda Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya ee dhabbaha loogu xaarayey hannaanka doorashooyinka 2016-ka.

Dhinaca kala Madaxweynuhu  waxa uu sheegay  in maalmaha soo socda magaalada Garoowe lagu qaban doono shirka madasha wadatashiga Qaran isla markaana ay halkaan isugu imaan doonaan Madaxda dawladda Federaalka iyo Madaxda dalwadaha xubnaha ka ah.

Madaxweynaha  dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dhowaan magaalada Garoowe lagu qaban doono shirweynihii dib u eegista dastuurka qabyo qoraalka ah  ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo hore dhowr jeer wax ka beddel aan loo dhammayn lagu sameeyey.

Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka reer Puntland in ay u diyaar garoobaan siday u wajihi lahaayeen xilliga kala guurka ah ee uu dalka Soomaaliya ku jiro iyo siday uga qayb qaadan lahaayeen soo xulista Baarlamaanka cusub ee uu yeelan doono dalka Soomaaliya.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_9023 IMG_9026 IMG_9027 IMG_9030 IMG_9032 IMG_9035 IMG_9036 IMG_9037 IMG_9038 IMG_9040 IMG_9041 IMG_9043 IMG_9044 IMG_9049 IMG_9050 IMG_9052 IMG_9053 IMG_9054 IMG_9055 IMG_9057 IMG_9058 IMG_9061 IMG_9075 IMG_9076 IMG_9080 IMG_9083 IMG_9088 IMG_9097 IMG_9101 IMG_9102