Garowe(Puntland Post)-Guud ahaanba degaanada Puntland waxaa maanta dib loogu celiyey Imtixaanka shahaadiga ee Dawlada Puntland ardayda Dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad , Markii Wasaarada Waxbarashadu ku dhawaaqday in la joojiyey Imtixaankii Guud ee Ardaydu geli lahayd.
Imtixaankaas ayey Wasaarada Waxbarashadu go’aan ku qaadatay inay gabi ahaanba joojiso markii la xaday Imtixaankii Fasalka 8-aad, Iyadoo qoraal kasoo baxay Wasaarada lagu sheegay in Imtixaankaas lagu xaday tuulada Qarxis oo katirsan Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal.
Ardayda Fasal 8-aad ayaa maanta u fariistay Imtixaan ka duwan kii ay soo galeen, walow ardaydu cabasho ka muujisay, waxaase talaabada ay Wasaaradu qaaday soo dhaweeyey Aqoon yahanka Puntland oo ku tilmaamay talaabo geesinimo leh.
Puntland ayaa la sheega inay hormuud dhanka Waxbarashada u tahay Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, Iyadoo Imtixaanada Shahaadiga ah ee Puntlandna lagu tilmaamo kuwa ugu nidaamsan.
Puntland Post