Wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha Puntland oo tababar u furtay 9 Madax qaybeed

Garowe: waxaa maanta ka furmay xaruunta Wasaradda Shaqada iyo Shaqaalaha tababar loo qabtay Madaxqaybeedyada Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha (HR Unit Heads)ee Hay’ada iyo Wasaraddaha ka faaiidaysanay mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista Bangiga Aduunku maal galinayo.

Tababarkan oo loogu magac daray (Induction Training for New HR  Unit Head Recruits Under the Capacity Injection Modality-CIM ) ayaa wuxuu muddo  afar maalmood ah uga socondoonaa hoolka shirarka ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha,

Tababarka ayaa  ugu horayn waxa ka hadashay ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ahna Agaasimaha waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Marwo Barni Ciise Axmed , Barni ayaa uga mahadcelisay Xafiiska xiriirinta mashruuca sida hamsami socodka leh ee ay u hogaaminayaan mashruuca, waxay boogaadisay  guulaha wax ku oolka ah ee uu gaaray mashruucu, waxayna ugu danbayntii ku boorisay shaqaalaha cusub ee dowladda in ay noqdaan tusaale lagu daydo, maadama ay yihiin shaqaalihii ugu horeeyey ee soomara nidaamka shaqo qorista ee CAPACITY INJECTION MODALITY(CIM).

Xiriiriyaha  mashruuca  Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed ayaa ugu horayn u hambalyeey shaqaalaha cusub ee dowladda, isagoo ILLAHAY uga baryey in uu u fududeeyo waajiboodkooda shaqo. Xiriiriyaha ayaa  ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray mashruucu iyo heerka uu maanta taaganyahay, isagoo sheegay in laga soo gudbay caqabado badan, maanta la taaganyahay in la arko mirihiisa. Ugu danbayntii Mudane Maxamed ayaa kula dardaarmay shaqaalaha Cusub in ay ka miro dhaliyaan balanqaadkii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kaas oo ahaa in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka shaqo ee Dowladda, si loo helo Shaqaale si hufnaan iyo hawlkarnimo leh u guta waajibaadkooda shaqo, shacabkana u gudbiya adeeg hufan.

Guddoomiyaha Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland Mudane Mustafe Siciid Shabac ayaa ka warbixiyeey nidaamkii shaqaalaysiinta ee ay soo mareen shaqalaha tababarka loo qabtay, isagoo sheegay in uu ahaa nidaam hufnaan iyo caddaaladi ku dheehantahay, waxa uu Guddoomiyuhu intaas ku daran in Dowladdu qaadatay nimaamka, isla markaana lamarindoono dhammaan shaqaalaha Dowladda Puntland.

Waxa hadal dardaaran, baraarujin iyo hambalyeeyn iskugu jira goobta ka jeediyeey Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Cabdirisaaq Shire Ismaaciil, isagoo ku booriyeey shaqaalaha cusub in ay ka faa’iidaystaan tababarka, isla markaana noqdaan shaqaale si hufan u guta shaqadooda.

 

Ugu danbayntii, waxa tababarka ayaa si rasmi ah u furay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Cabdirisaaq Shire Ismaaciil.

—— Dhammaad——
1f7330ec-4615-4364-935d-2ec54bc59380 6ef2739e-da7c-402c-98fd-82b6d635f47f 7ab429a9-6a69-48c1-b806-ae15223edaff 7d7ba39b-836f-43be-acc2-314cf45f704e 9f050fd4-5a22-41d1-8b2a-7662b6f7669b 26f31bed-36f7-4ac3-9737-3012af2130b0 320cee34-7346-4e0c-90da-6fae8c81b594 bd2f365d-96b1-4aee-bb6a-eb4cbba7d971 c6048efa-8bab-4677-a8a8-278317be9843 f8b66cc5-1bdf-4f1f-b4b2-874b13631aee shirka xukuumadda-page0001