Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 12-aad iyo 8-aad maanta furay

Garowe(Puntland Post)-Waxaa maanta oo sabti ah si toos u furmay Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland, waana imtixaankii ugu dambeeyey fasalka 12- aad ee dugsiga sare iyo fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe, waxaana imtixaanka lagu qaadayaa sagaal xarumood.

Madaxweyne  ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa imtixaanka ka daah furay iskuulka Gambool ee magaalada Garowe, wuxuuna ardaydayda ku dhiiri galiyey inay waxbarashadooda sii wataan, isagoo u duceeyey, islamarkaana ka waaniyey Tahriibta.

Wasiirka waxbarashada Abshir ow –Yusuf Ciise ayaa faah faahiyey Ardayda Sanadkan u fariisatay Imtixaanka wuxuna sheegay in 3,304 Arday ay yihiin Dugsiyada sare, halka 7,813 ardyna ay u fariisteen imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe, waxayna tiradood guud noqonaysa 11,122 Arday guud ahaan Puntland inay sanadkan galeen imtixaanka shahaadiga ah.

Imtixaanka  Fasalka 8-aad sanadkan waxaa galay Arday indhaha la, waxayna noqonaysa markii ugu horaysay oo Soomaaliya ay arday indha la u fariistaan imtixaan shahaadiya siday sheegeen masuuliyiinta wasaaradda waxbrashada Puntland.

Guud ahaan Puntland ayuu imtixaanka maanta ka furmay, waxayna masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadu ardayda  Imtixaanka gashay alle uga baryeen inuu u fududeeyo, sidoo kale waxaa ardayda bogaadiyey Agaasimaha Guud ee waraadda Maxamed Cabdulqaadir wuxuuna ka waaniyey Tahriibta, islamarkaana wuxuu ku dhiiri galiyey inay noqdaan kuwo miro hooda la gurto.

Madaxa Imtixaanadka Puntland ee wasaaradda waxbarashada Axmed Saahid ayaa sheegay in sanadkan imtixaanku uu uga dawan yahay kuwii hore maadaama sanadkan ay galeen arday aan waxba arag, isagoo dadweynaha reer Puntland faray inay dhiiri galiyaan dadka qaba baahiyah gaarka ah si ay uga sii bataan tirade hadda imtixaanka u fariisatay.

Sawirro.

_DSC5212 _DSC5213 _DSC5215 _DSC5216 _DSC5217 _DSC5218 _DSC5219 _DSC5220 _DSC5221 _DSC5222 _DSC5224 _DSC5225 _DSC5226 _DSC5227 _DSC5228 _DSC5229 _DSC5232 _DSC5237 _DSC5238 _DSC5239 _DSC5242 _DSC5243 _DSC5246 _DSC5250 _DSC5251 _DSC5252 _DSC5256 _DSC5262 _DSC5263 _DSC5265 _DSC5266 _DSC5267 _DSC5269 _DSC5273 _DSC5274 _DSC5275 _DSC5277 _DSC5279 _DSC5280 _DSC5282 _DSC5283 _DSC5285 _DSC5286 _DSC5287 _DSC5288 _DSC5291 _DSC5292 _DSC5293 _DSC5294 _DSC5295 _DSC5296 _DSC5297 _DSC5301 _DSC5308 _DSC5310 _DSC5313 _DSC5316

Puntland Post.