Raqda diyaaradii la waayey ee Masar oo laga helay Badda Giriiga

Sawirka Diyaarada Burburtay
Sawirka Diyaarada Burburtay

Dawlada Masar ayaa shaacisay in raqda Diyaaradii tan iyo maanta la waayey meel ay jaan iyo Cirib dhigtay laga helay  badda lo yaqaan Mediterranean, Wasaarada Dulimaadka Masar ayaa tilmaatay inay diyaaradan haleeshay cilad Farsamo ama mid argagixiso.

Wasiirka Difaaca Dalka Giriiga oo ka hadlay Burburka Diyaaradan ayaa tilmaamay inay Diyaaradu samaysay labba leexasho oo gaaban  kahor intii aysan kusoo dhicin Badda Jasiirada Giriiga ee Karpathos, wuxuuna intaa ku daray inay Diyaaradu badeshay Jihadii ay u socotay intaysan halkaas ku dul dhicin.

Khuburo Caalami ayaa sheegaya inaan meesha laga saari karin in Diyaaradan lagu soo ridey weerar argagixiso.

Diyaaradan waxaa saara 56 qof oo rakaab ah iyo 10 Shaqaale ah, inta badan rakaabka Diyaaradaasna waxay u kala dhasheen Dalalka Masar iyo Faransiiska.

Masuuliyiinta Giriiga ayaa sheegay inay la hadleen Duuliyaha Diyaaradaas ka hor intaysan Radaarka ka lumin, mana sheegan wax dhibaato ah oo xiligaas haysatay, waana tan sii xoojinaysay aragtida la xiriirta Diyaaradaas inay haleeshay weerar argagixisanimo oo kadis ah.

Dawlada Fransiiska oo ay kaga jireen 15 qof dadkii Diyaaradaas saara ayaa sheegtay inay samayn doonta  baaritaan balaaran oo lagu ogaanaayo wixii ka dambeeyey inay soo dhacdo.

Kooxaha Argagixisada ah ayaa bilaabay inay soo ridaan Diyaaradaha u kala gooshaya Caalamka,waxayna tani walaac ku abuurtay Dad badan oo diyaaradaha ku safra.

Qaar kamid ah qoysaska ay Dadku ka saarnaayeen Diyaaradaas oo murugaysan
Qaar kamid ah qoysaska ay Dadku ka saarnaayeen Diyaaradaas oo murugaysan

Puntland Post