Garowe(Puntland Post)-Wasiirka Warfaafinta Dawlada Puntland Maxamuud Xassan Soocadde oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa digniin u diray Maamulka Somaliland oo uu sheegay inuu dhibaatooyin kawado Gobalka Sool, isla markaana uu diidan yahay afkaarta Dadka degaankaas.
Maxamuud Xassan Soocade ayaa tilmaamay in Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobalka Sool uu shalay ka dhacay dagaal u dhaxeeya Maamulka Somaliland iyo Dadka ku dhaqan Magaaladaas, Dagaalkaas oo uu sheegay inuu bilowday markii Dadka Magaaladu bilaabeen inay nadiifsadaan Magaaladooda, halka Maamullkaasna uu u dabaal degaayey maalinkii ay sheegeen inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.
Wasiir Soocde ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ay dhibaato xoogan ka geysteen Laascaanood markii ay xabado nool u adeegsadeen Dadka rayidka ee afkaartooda cabiraayey ayna xabsiga u taxaabeen tiro kale oo Dad ah.
Wasiirka ayaa intaa ku daray inaysan Puntland u dulqaadan doonin dhibaataynta Dadka rayidka ee Gobalka Sool, ayna waajib ku tahay Puntland inay difaacdo Dadkii ay u dhaaratay.
Isku soo wada duubo Puntland ayaan wax talaabo ah u qaadin Magaalada Laascaanood oo gacanteeda ka maqnayd 9-kii sano ee ugu danbaysay, Marka laga reebo eedayn ay Puntland u jeediso Somaliland markii ay dagaalo iyo shaqaaqooyin kale ka dhacaan degaanadaas.
Puntland Post