Nin mooto wata oo isku qarxiyey maqaaxi ku taal Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Puntland Post)-Qarax uu geystay nin mooto wata oo naftii halige ah ayaa ka dhacay Maqaaxi cunada laga cuno oo ku taal degmada Warta Nabad ee Gobalka Banaadir.

Goob joogayaal ku sugan halka qaraxu ka dhacay oo la hadlay Warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay inay arkeen dhimashada labba qof oo uu kamid ahaa ruuxa is qarxiyey, Halka Dadka ku  dhaawacmay ay gaarayaan 8 ruux oo ay kamid yihiin askar katirsan Ciidamada Dawlada Soomaaliya.

Dadka qaraxaas ku wax yeeloobay ayaa la dhigay goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid xili horeba sheegatay Masuuliyaa Qaraxan, wuxuuse u muuqda inuu kamid yahay kuwii ay Xarakada Al-shabaab ka geysan jirtey Muqdisho.

Saciid Xassan

Puntlan Post