Madaxweynaha Dawladda Puntland oo u amba baxay magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta 18-May-2016  ka amba baxay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland isagoo kusii jeeda magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa intii aanu ka duulin garoonka caalamiga ah ee Boosaaso waxaa uu qaybta nasashada ee garoonka kula hadlay warbaahinta qaybeheeda kala duwan isagoona uga warbixiyey ujeedka safarkiisa uu ugu amba baxayo magaalada muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in safarkiisu uu salka ku hayo ka qayb galka shir lagu qaban doono magaalada muqdisho oo ay kasoo qayb geli doonaan golaha ammaanka ee Qaeamada midoobey, Madaxda dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynuhu in shirkaasi looga hadli doono xaaladda guud ee dalka Soomaaliya gaar ahaan nabad gelyada, hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka, iyo heshiiskii u dhexeeyey dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah ee lagu jaan goynayey qaabka loosoo xuli doono xubnaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas xusay in shirkaan kadib magaalada Garoowe lagu qaban doono shirweynaha dhammaystirka dastuurka qabyo qoraalka ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambayn, Madaxweynaha waxaa garoonka caalamiga ah ee Boosaaso kusii sagootiyey Wasiiro, Xildhibaano, maamulka gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso, saraakiil ciidan iyo agaasimayaal ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland.
IMG_8737 IMG_8747 IMG_8751 IMG_8757 IMG_8759 IMG_8761 IMG_8766 IMG_8774 IMG_8777 IMG_8779 IMG_8782 IMG_8786