Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Muqdisho gaarey iyo shirar muhim ah oo uu ka qayb geli doono.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ee maanta 18- May-2016 kasoo amba baxay magaalada Boosaaso  ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa soo gaarey magaaalada muqdisho  ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhoweeyey  xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaadda Dawladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilko-jiir , waxaana soo dhoweyn ka dib Madaxweynaha iyo waftigiisa loo gudbiyey qaybta nasashada ee garoonka.

Nasasho Kadib Madaxweynaha iyo Waftigiisa waxaa loo sii gudbiyey Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Villa Hargaysa, halkaas oo uu Madaxweynuhu ka degi doono magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dawladda Puntland iyo waftigiisa ayaa magaalada Muqdisho kaga qayb geli doona shir labo maalmood socon doona, shirkaas oo ay kasoo qayb geli doonaan xubno ka socda golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey iyo madaxda kala duwan ee Soomaalida.

Shirkaas ayaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin nabagelyada guud ee dalka Soomaaliya, xaaladda kala guurka ah ee dalku uu  kujiro, hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka, heshiisyadii dhexmaray dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah iyo arrimo kale.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_8791 IMG_8792 IMG_8795 IMG_8796 IMG_8797 IMG_8799 IMG_8800 IMG_8803 IMG_8804 IMG_8806 IMG_8809 IMG_8810 IMG_8816 IMG_8817 IMG_8819 IMG_8824 IMG_8833