Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo Muqdisho ku doortey hoggaanka sare ee ururka NUSOJ

Muqdisho(Puntland Post) Magalada Muqdisho xarunta Soomaaliya ayaa shalay lagu doortey hoggaanka ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, ka dib markii ergo matalaysa dhammaan suxufiyiinta dalka ay doorashadaasi oo muddo laga soo shaqaynayay ka qayb galleen.

Doorashadda hoggaanka sare oo ay ka qayb galeen 149 wariye oo ka kala yimi gobaladda dalka ayaa waxay gudoomiyaha ururka u doorteen Maahir Jaamac Aadan oo ka mid ahaa wariyashii ka socday Puntland, halka Xoghayaha guudna uu noqday wariyihii hore ee BBC Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ayay ergaddu u doorteen Muxyadiin Xusni oo ka socda wariyaasha koonfur galbeed halka kan labaadna u doorteen Cabditufaax Xasan Faarax oo ka socday wariyaasha Gal-Mudug.

Doorashada ayaa u dhacday hab sanduuq ah,waxaana goobjoog u ahaa masuuliyiin ka socda dowladda sida XIldhibaan Maxamed Cumar Dalxa, Gudoomiyaha ururka haweenka Gobalka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

Guddiga doorashadda oo ka koobnaa 8-xubnood isla markasna uu gudoomiye u ahaa Axmed Muuse Cali (Jookar) ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, waxayna sheegeen inay u dhacday hab xalaal ah oo aan muran iyo buuq ku jirin.

Gudoomiyaha ururka Maahir Jaamaac Aadan oo ahaa Agaasimaha Shirkadda Filimaanta duubta ee Koor Filims iyo Xoghyaha Macalimuu oo khudbado jeediyay ayaa u mahad celiyay dhammaan wariyaashii doorashada ka qayb galay, waxay ballan qaadeen inay si dhab ah ugu addeegi doonaan wariyaasha ayna oofin doonaan wixii ay soo bandhigeen, sidoo kale waxay tilmaameen doorashadan inay cadeyn u tahay bisaylka ka muuqda wariyaasha iyo horumarka ay sameeyeen.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa masuuliyiinta madasha doorashada ka dhacdey joogay ayaa ammaanay habka wanaagsan ee doorashada loosoo agaasimey, waxa kale uu sheegay in wax badan ay is-badaleen marka loo eego hababkii hore ay saxaafadda Soomaaliya kusoo shaqaysey, wuxuu kula dardaarmay suxufiyiinta inay mar walba wanaaga iyo horumarka dalkooda xoogga saaraan.

Suxufiyiinta ayaa dhankooda sheegay inay ku faraxsan yihiin habka doorashadu u dhacdey waxyana sheegeen inay si wanaagsan ula shaqayn doonaan hoggaankooda cusub.

Sawiradda waxaa qaaday Cali Cabdi Ducale
0J1A2148

0J1A2161

0J1A2169

0J1A2171

0J1A2176

0J1A2182

0J1A2185

0J1A2193

0J1A2201

0J1A2228

0J1A2237

0J1A2240

0J1A2246

0J1A2249

0J1A2254

0J1A2270

0J1A2283

0J1A2288

0J1A2292

0J1A2302

0J1A2309

0J1A2317

0J1A2319

0J1A2323

0J1A2327

0J1A2339

0J1A2347

0J1A2354

0J1A2358

0J1A2362

0J1A2366

0J1A2370

0J1A2388

0J1A2394

0J1A2403

0J1A2412

0J1A2414

0J1A2415

0J1A2430

0J1A2431

0J1A2436

0J1A2450

0J1A2470

0J1A2472

0J1A2476

0J1A2496

0J1A2499

0J1A2525

0J1A2538

0J1A2543

0J1A2567

0J1A2574

0J1A2587

0J1A2588

0J1A2595

0J1A2598

0J1A2614

0J1A2616

0J1A2621

0J1A2637

0J1A2644

0J1A2649

0J1A2657

0J1A2659

0J1A2661

0J1A2662

0J1A2665

0J1A2666

0J1A2692

0J1A2704

0J1A2715

0J1A2719

0J1A2724

0J1A2728

0J1A2732

0J1A2742

0J1A2745

0J1A2751

0J1A2764

0J1A2768

0J1A2777

0J1A2779
PUNTLAND POST