Hargeysa(Puntland Post)-Guud ahaan degaanada Somaliland waxaa maanta siweyn looga dareemayaa sanad guurada 25-aad ee kasoo wareegtay markii dhibada loo taagay Maamulka Somaliland isla markaana ay ku dhawaaqeen inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.
Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulkaasi ayaa saakadii horeba Dadweynuhu isugu soo baxeen fagaarayaasha Magaaladaasi, waxaana dabaaldega ka qayb qaadanaaya Madaxda ugu saraysa Somaliland, Iyadoo Ciidamaduna qoob ka ciyaar ku samaynayaan fagaaryaasha kala duwan.
Somaliland ayaa sanad walba xiligan oo kale u dabaaldegta sanad guuradeeda, waxayna Caalamka ka codsataa aqoonsi Caalami ah, mase muuqato 25-ka sano oo ay Somaliland dalbanayso Madax banaanida hal Dawlad oo ay aqoonsi Caalami ah ka heshay.
Somaliland ayaa dabaaldegeeda ku marti qaaday Wariyayaal, Fanaaniin iyo Dad kale oo caan ah kuwaas oo isaga kala yimi daafaha Caalamka.
Puntland Post