Hal qof ayaa ku dhintay rabshado lagu diidan yahay Somaliland oo maanta ka dhacay Laascaanood

Laascanood(Puntland Post)-Maanta oo Guud ahaan degaanada Somaliland looga dabaal-degaayey Maalinkii uu Maamulkaasi ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, ayaa waxaa Magaalada Laascaanood mar qura ka bilowday mudaharaadyo waaweyn oo lagu diidan yahay joogtaanka Maamulkaas ee Gobalka Sool.

Dadweynaha isku soo baxay ayaa bilaabay inay qashinka ka ururiyaan Magaalada isla markaana waxay gubaayeen Calanka Somalialnd, sidoo kale Dadkan mudaharaadayey ayaa is hortaagay Dad kale oo ay soo abaabuleen Maamulka Somaliland oo doonaayey inay u dabaaldegaan Maalinka ay Somaliland sheegatay inay ka goday Soomaaliya.

Ciidamada Amaanka Maamulka Somaliland iyo Dadkan ayaa isku dhacay waxaana halkaas ku geeriyooday hal wiil oo dhaliyaro ah iyadoo ay ku dhaawacmeen sadex qof oo kale sida ay Warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen Dad ku sugan Laascaanood.

Magaalada Laascaanood oo ay Somaliland gacanta ku haysay 9-kii sano ee ugu danbaysay ayaa siweyn looga diidan yahay joogtiaanka Maamulkaas ee Gobalka Sool.

Sidoo kale Wararka aan ka helayno Magaalooyinka Widh-Widh,Badhan,Xingalool, Dhahar iyo Degaano kale oo katirsan Gobalada Sool,Sanaag iyo Cayn ayaa sheegaya inay maanta ka dhaceen Mudaharaadyo lagu diidan yahay Maamulka Somaliland, laguna taageeraayey Midnimada Soomaaliya.

Las 1

las 2

las 3

Puntland Post