Hargeysa(Puntland Post)-Afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ka hadlay hawl-galo ay Ciidamadu ka sameeyeen illaa afar goobood oo katirsan Xaafadaha Magaalada Hargeysa, kuwaas oo lagu soo qaqabanaayey rag lagu tuhunsan yahay inay katirsan yihiin Kooxda Al-shabaab, loogana shakiyey inay maleegaayaan falal ka dhan ah Amaanka.
Faysal Xiis Cilmi oo ah Afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliland ayaa tilmaamay inay sidii ay ahayd ugu guulysteen illa sadex goobood oo ay Ciidamadu hawl-gal ka sameeyeen soona qabteen rag lagu raad joogey maalmihii danbaba, hase ahaate Ciidamada ayaa iska caabin kala kulmay mid kamid ah Goobihii ay hawl-galada ka fuliyeen waxaana halkaas ku dhaawacmay Nin Sarkaal ku xigeen ah oo katirsan Booliska Somaliland.
Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo Guud ahaan Magaaloyinka kala duwan ee Maamulkaas ayaa siweyn loo adkeeyey Amaanka xili maalinka Berri ah siweyn degaanadaas looga xusi doono sanad guurada 25-aad ee kasoo wareegtay markii Somaliland ku dhawaaqday inay ka goday Soomaaliya inteeda kale.
Al-shabaab ayaan horay hawl-galo la taaban karo ka samayn jirin degaanada Somaliland marka loo barbar dhigo degaanada kale ee Soomaalida.
Puntland Post