Magaalada Cadan ee Dalka Yemen oo laga mamnuucay cunista qaadka maalmaha shaqada

Magaalada Cadan ee Dalka Yemen oo qaadka laga mamnuucay
Magaalada Cadan ee Dalka Yemen oo qaadka laga mamnuucay

Cadan(Puntland Post)-Magaalada Cadan oo kamid ah Magaalooyinka ugu waaweyn Dalka Yemen, kana mid ah Magaalooyinka loogu cunis badan yahay Qaadka guud ahaan Dalka Yemen, oo kamida Dalalka sida aadka ah loga qayilo ayaa iminka lagaga mamnuucay in qaadka lagu iibiyo Maalmaha Shaqada, marka laga reebo maalmaha laga nasanaayo shaqada sida Jimcaha oo lagu iibin karo oo kaliya qaadka Magaaladaas.

Sababta Qaadka looga mamnuucay Magaaladan ayaalagu sheegay inay Dadka reer Yemen dhaqaale xoogan iyo wakhti fara badan ku bixiyaan cunista qaadka kuwaas oo ay sababto inay Masuuliyadahoodii shaqo in badan oo kamid ah ku dayacaan inta ay qaadka u fadhiyaan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in beerashada qaadka ay ku khasaariyaan Biyo aad u tiro badan oo ay ka ooman yihiin in badan oo kamid ah Dadka reer Yemen.

Yemen ayaa kamid ah Dalalka uu sida aadka uga baxo qaadku isla markaana wuxuu kaalimaha hore kaga jiraa Dalalka loogu cunis badan yahay Geedkan sabab Caafimaad darada iyo nolol xumada Bulshada.

Suuqyada Magaalada Cadan ayaan iminka lagu arkayn qaadkii tirada badnaa ee maalin walba sida khudaarta iyo raashinka u dhoobnaan jirey Magaaladaas.

Sidoo kale Qabiil dega Magaalada Dekadda leh ee Mukalla ayaa gabi ahaanba shaaciyey inay Magaaladaas ka mamnuuceen cunista qaadka iyo in dhexdeeda lagu iibiyo.

Waxaa isweydiin mudan hadiiba Yemen oo qaadka ay cunaan ka baxo gudaha Dalkooda ay Mamnuuceen cunistiisa  si ay u badbaadsadaan dhaqaalaha xoogan,Caafimaadka iyo Wakhtiga kaga baxa, Tolow Soomaaliya oo qaadka looga soo dhoofiyo Dalalka Deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya, maalin walbana diyaarado laga saaro malaayiin Doolar oo ay Dadkeedu ka baahan yihiin, wax qorshe dheer iyo Mid dhow toona oo lagu joojinaayo geedkaas maka leedahay?

Puntland Post