Madaxweynaha Uganda oo wiilkiisa curadka u dalacsiiyey darajada ugu saraysa Ciidamada

Wiilka Madaxweyne Museveni,
Wiilka Madaxweyne Museveni, Muhoozi Kainerugaba

Kampala(Puntland Post)-Madaxweynaha dhawaan Mar kale loo dhaariiyey taladda Dalka Uganda Yuweri Kaguta Museveni ayaa dalacsiin u sameeyey qaar kamid ah saraakiisha Ciidamada Dalkaasi, isagoo u xiray darajooyin kala duwan oo la sheegay inay ku mutaysteen shaqooyin sareeya oo ay u qabteen Ciidamada kala duwan ee Dalkaasi.

Saraakiisha uu Madaxweyne Museveni u xiray darajadda waxaa kamid ah Wiilkiisa curadka oo lagu magacaabo Muhoozi Kainerugaba, kaas oo loo  xiray sareeye Guud oo ah Darajadda ugu saraysa Ciidamada, waxayna arintani hadal hayn badan ka keentay Dalkaasi.

Muhoozi Kainerugaba oo ah Curadka Madaxweyne Museveni ayaa ah ninka sida aadka ah loogu saadalinaayo inuu Badeli doono Aabihii sanadka 2021 xiligaas oo marka wakhtiga Museveni dhamaado uu si rasmi ah uga fariisan doono Taladda Dalka maadama aysan u ogolaanayn Da’diisa oo marka noqonaysa 76 sano, sida uu qoraayo Dastuurka Uganda oo aan ogolayn inuu Dalka Madaxweyne ka noqdo ruux ka weyn 75 sano.

Wiilka Museveni oo 42 jir ah ayaa awood badan ku leh Ciidamada qalabka sida ee Dalkaasi, wuxuuna mudaba ahaa ninka ugu sareeya Ciidamada gaarka ah ee Ilaalada aqalka Madaxtooyada iyo Madaxweynaha.

Madaxweyne Museveni ayaa Dalkaas kasoo talinaayey 30-kii sano ee ugu dambaysay, wuxuuna 18-kii Bishii Febraayo ee sanadkan qabtay Doorasho lagu murmay oo ay Mucaaradka Dalkaas gaashaanka u daruureen, markii uu isagu ku guulaystay, taas oo markii danbe dhalisay in Hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee FDC  Dr Kiisa Bisije uu isku caleema saaro Madaxweyne, walow markii danbe xabsiga loo taxaabay laguna soo eedeyey inuu galay khiyaamo qaran.

Puntland Post