Hay’adda Shaqalaha rayidka ah oo qaaday  waraysigii shaqo (Job Interview) ee Madaxqaybeedyadii Iibka( Procurement Unit Heads).

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Puntland (Puntland Civil Service Commission) ayaa qaaday waraysi shaqo (Job Interview) ee Madaxqaybeedyadaiibka(ProcurementUnit Heads) ee Hay’adaha iyo Wasaaradaha qaybta ka ah mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista ee  Bangiga Aduunkuna maal galinayo.

Dadka laga qaaday waraysiga shaqo (Job Interview) ayaa ah dadkii nasiibka u yeeshay in ay ka gudbaan imtixaankii qoraalka ahaa, una soo gudbaan wareega 3aad ee waraysiga shaqo.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Mudane Mustafe Saciid Shabac oo daah furay waraysiga shaqo ayaa sheegay in  dadka laga qaadayo waraysiga shaqo (Job Interview) ay yihiin dadkii hore u fariistay imtixaamkii la qaaday (2dii Bisha May),  Maanta iyo shalayna lagu hawlanaa waraysiga shaqo (Job Interview). Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in tirada guud ee dadka lala yeelanayo waraysiga tiro ahaan ay dhanyihiin 30 qof oo kala ah 6 haween ah iyo 22 rag ah, isla markaana la shaacin doono 9-ka qof  ee ku guulaystay shaqada muddo kooban gudahood.

Waraysiga shaqo (Job Interviewga) ayaa waxa qaadayey dad aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leh, isla markaana lagu soo xulay kartidooda, aqoontooda iyo waayo aragnimooda la xiriirta qaadidda waraysiga shaqo(Job Interview), waxa iyaguna goob joogayaal(Observers) ka ahaa xubno matalaya dhammaan Wasaaradaha, Hay’adaha Shaqaala loo qorayo iyo Hay’adaha caalamiga ee Geopolicity Inc.

Waraysiga shaqo ayaa ah kii laabaad ee ay Hay’ada Shaqalaha Rayidka ahi qaaddo muddo labo bilood guddahood ah, waxay  ahayd bishii hore markii ay hay’adu qaaday waraysiga shaqo ee Madaxqaybeedyada Shaqada iyo Shaqaalaha (HR Unit Heads).

Mashruucan oo ah tayaynta iyo shaqo qorista qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda Puntland ayaa  qayb ka ah balanqaadkii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa indib u habayn lagu sameeyo Shaqalaha rayidka ee Dowladda-Puntland si shacabka loogu gudbiyo adeeg hufan(Better Service Delivery) sidoo kale waa fursad shaqo aabuur oo loo samaynayo dhalinyarada reer Puntland ee wax ku baratay dalka iyo dibadaba.

 

——————–Dhammaad—————1 2 3 4