Muqdisho(Puntland Post)-Gudiga uu Baarlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya u saaray turxaan bixinta Heshiiskii Hanaanka Doorashada oo maalmihii u danbeeyey Magaalada Muqdisho ku lahaa kulamo aan loo kala kicin ayaa ugu danbayntii shaaciyey in xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka ay ka koobnaan doonaan 54 xubnood oo lagu saleeyey 18-kii Gobal ee ay Soomaaliya ka koobnayd ka hor Burburkii Dalka.
Xildhibaan Maxamed Jaamac oo katirsan Gudigan ayaa sheegay inay saxeen qaar kamid ah qodobada heshiiskii Hanaanka Doorashada ayna ka dhigeen inay xubnaha Baarlamaanku ka yimaadaan 18-kii Gobal, xaqiisana lasiiyo Gobalka Banaadir oo kamid ahaa 18-kaas Gobal, halkii horay heshiiskii 5-tii Bisha Abril lagu saxiixay ay ku xusnayd in lagu saleeyo 6 Maamul Gobaleed oo Dalka ka jira.
Xildhibaankan ayaa sheegay inay saxeen qodobo dhawr oo ku xusnaa Heshiiskaas iminkana ay u gudbin doonaan Baarlamaanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa tilmaamay inay Meesha ka saareen qodobkii sheegaayey in Madaxda Maamuladu ay saxiix ku yeeshaan xildhibaanada lasoo xulaayo maadama aysan meelna kaga xusnayd Dastuurka Dalka ayuu yiri xildhibaan Maxamed Jaamac.
Isku soo wada duubo arimahan ayaa kusoo aadaya xili qaar kamid ah Maamulada Dalka iyo Beesha Caalamku ay walaac ka muujiyeen isbadelada uu Baarlamaanku ku samaynaayo Heshiiskaas.
Puntland Post