Ciidamada Booliska Kenya oo cambaarayn kala kulmay sidii ay ula dhaqmeen Dad Mudaharaadayey

Ciidamada Booliska Kenya oo garaacaya Dad mudaharaadaya
Ciidamada Booliska Kenya oo garaacaya Dad mudaharaadaya

Nayroobi(Puntland Post)-Dadka Kenya iyo Hay’adaha u dooda xaquuqda Aadamaha ayaa si aada u cambaareeyey sida ay Ciidamada Booliska Dalkaas ula dhaqmeen, Dad ku mudaharaadayey Magaalada Nayroobi ee Caasimada Dalka Kenya, kuwaas oo ka cabanaayey Gudiga Doorashooyinka Dalkaas oo ay ku sheegeen mid aan cadaalad ku dhisnayd.

Hogaamiyayaasha Mucaaradka ah ee Dalkaasi oo uu kamid ah yahay Siyaasiga caanka ka ah Dalkaasi Raila Odinga ayaa hor kacay Mudaharaadyo baxaad leh oo lagaga soo hor jeedo hab dhaqanada Gudiga Doorashooyinka Dalka Kenya.

Sawiro ay Warbaahintu baahisay ayaa la arkaayey Ciidamada Booliska oo si aad u xun u garaacaya Dadkii mudaharaadayey, waxaynta taasi wal-wal iyo dhabana hays ku noqotay Dadka Kenya, Iyadoo Baraha Bulshada ee Internetka iyo Goobaha ay Dadku ku kulmaan si aada looga cambaaraynaayo falalkan ay ku kaceen Ciidamada Boolisku.

Ciidamada Kenya oo uu dilooday Musuq-maasuq baahsan ayaa lagu tilmaama inay Dadka rayidka ah ula dhaqmaan si ka baxsan Bini’aadamtinimada, mararka qaarna waxay ka dalbadaan lacago laalusha hadii ay kawaayana waxay ku soo ogaan danbiyo aan jirin.

Ken 1

Puntland Post