Muqdisho(Puntland Post)-Raisul Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Gudi uu Gudoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u saaray inay soo turxaan bixiyaan Heshiiskii Hanaanka Doorashada 2016 ee ay 12-kii Abril ku gaareen Madaxda Dawlada Soomaaliya iyo Kuwa Maamulada Dalka.
Raisul Wasaaraha ayaa xubnahan ka codsaday in Baarlamaanku ansixiyo Heshiiskaas si loo beekhaamiyo wakhtiga yar ee la doonaayo in Doorashooyinka Guud Dalka lagaga Hirgeliyo, waxayse wararku sheegayaan inay Gudigaasi ku adkaysteen in dib loo saxo qodobo ay u arkaan inaysan haboonayn xiligan, ama Dastuurka waafaqsanayn.
Raisul Wasaare Cumar ayaa Baarlamaanka horgeeyey Heshiiskaas 12-kii Abril, si ay xalaaleeyaan heshiiskaas hase ahaate qaar kamid xildhibaanada ay Su’aalo ka keenay sida uu u wafaqsan yahay Dastuurka.
Puntland iyo Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan in hadii ay Baarlamaanku isbadel ku sameeyaan Heshiiskaas ay caqabad ku noqon karto Doorashooyinka la rajaynaayo inay sanadkan Dalka ka dhacaan iyo weliga Geedi socodka nabada Soomaaliya.
Puntland Post