Sanad guuradii SYL oo laga xusay Garowe (sawirro)

Maanta oo Axadda waxaa lagu qabtay Garowe xus lagu maamuusayey maalinta dhalinyarada Soomnaaliyeed oo 15ka May ah, maasuuliyiinta dowladd, kuwa Ha’yadaha iyo dadweyne kale ayaa ka qayb galay.

Waxaana munaasabadda looga hadlay 73 guuradii kasoo wareegtay markii la asaasay ururkii dhalinyarada ee xornimo doonka sanadkii 1943-dii.

Masuuliyiinta iyo dadkii kale ayaa hambalyo udiray dhamaan dhalinta Soomaaliyeed, waxaana laga hadlay dhibaatooyina soo wajahay oo ay ugu weyntahya tahriibta.

Waxaa jiray tartan orad ah oo loo qabtay dhalinyaro ka socotay shanta degmo ee gobolka Nugaal ka kooban yahay, waxaana kaalimaha kowaad iyo labaad galay degmada Garowe.

Munaasabadda oo lagu qabtay Jaamacadda PSU, waxaa masuuliyiintii hadalka ka jeedisay kamid ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo wasiirka Shaqada,Shaqaalaha iyo dhalinyarada iyo Cayaaraha.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdullaahi ayaa sheegay in dhalinyaradu ay sanadihii dambe ay la kulmayeen dhibaatooyin ay ugu horayso Tahriibka iyo shaqo la’aan soo wajahda, wuxuuse tilmaamay in ay wasaaraddu da daal ugali doonto sidii looga hortagi lahaa arimahaas.

Dhalinyarada ayuu ugu baaqay inay ka waan toobaan Tahriibta oo  wasaaradda kala shaqeeyaan ka barnaamijyada looga hortagayo.

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa uhambalyeeyey dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaa uuna sheegay in 15ka May ay tahay maalin ku weyn umadda Soomaaliyeed islamarkaana ay tahay markii la asaasay ururkii Dhalinyarada ee gobonimo doonka SYL.

Wuxuu tilmaamay Gudoomiyuhu in baarlamaanka Puntland uu dhawaan meel marin doono Siyaasada dhalinyarada, isagoo ugu baaqay inay ka joogsadaan Tahriibka.

Sanad kasta maanta oo kale waxaa meelo kamid ah dalka laga xusa 15ka MAY oo ah markii la asaasat ururkii SYL, waxaana sanadihii dambe xusku kusoo aaday xili ay dhalinyarada Soomaaliyeed wajahaan xaalado adag oo ay qayb ka yihiin Tahriibka iyo Shaqo la’aanta.

Sawirro.

_DSC4732 _DSC4734 _DSC4735 _DSC4736 _DSC4737 _DSC4740 _DSC4741 _DSC4803 _DSC4807 _DSC4818 _DSC4827 _DSC4831 _DSC4838 _DSC4855 _DSC4856 _DSC4858 _DSC4862 _DSC4867 _DSC4871 _DSC4877 _DSC4917 _DSC4928 _DSC4932 _DSC4948 _DSC4963 _DSC4969

PUNTLAND POST