Muqdisho(Puntland Post)-Iyadoo dhawaan Baarlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay Gudi kasoo tala bixiya Hehiiskii Hanaanka Doorashada ee Madaxda Dawlada Federaalka iyo kuwa Maamulada Dalka ay u saareen, markii uu hor geeyey Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa soo baxaaya inay Baarlamaanku wax ka badel ku sameeyeen qaar kamid ah qodobadii ku xusnaa heshiiskaas.
Xildhibaan Cabdilaahi Jaamac oo kamid ah Gudiga uu Baarlamaanku u saaray turxaan bixinta Heshiiskaas ayaa sheegay inay soo wajaheen caqabado badan oo ku aadan sidii loo turxaan bixin lahaa Qodobada ku jira Heshiiska sida Madaxda Maamulada iyo kuwa Dawlada oo sida ay donayaan u cadaadinaaya Baarlamaanka iyo Gudiga arimahan loo xil saaray.
Wuxuuna xildhibaankaasi sheegay in heshiiskan ay ku jiraan qodobo badan oo aan wafaqsanayn Dastuurka Dalka, dhawaana ay Baarlamaanku ka doodi doonaan wax ka badelka lagu sameeyey qodobadaasi.
Hadalka Xildhibaankan ayaa kusoo aadaya xili ay Dawlada Puntland soo saartay qoraallo ay kaga digayso in wax ka badel lagu sameeyo qodobadii Heshiiska Hanaanka Doorashada, sidoo kale Beesha Caalamka ayaa soo saartay qoraal ay Baarlamaanka kaga codsanayso in Heshiiska sidiisa uu Baarlamaanka ku meel maryo.
Siday doontaba ha ahaate Dad badan ayaa qodobadii Heshiiskii Hanaanka Doorashada u arka mid awood ka badbadis ah siinaayey Madaxda Maamulada Dalka oo ay qaarkood u sharaxan yihiin talada Dalka.
Puntland Post