Kismaayo(Puntland Post)-Tigreeto uu Maanta soo saaray Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayuu ku magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Dawlada Gobaleedka Jubbaland, isagoo xilkaas u magacaabay Maxamuud Sayid Aadan.
Ninka loo magacabaay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa horay uga mid ahaa Siyaasiyiinta Gobalka Gedo ee mudaba kasoo hor jeeday Maamulka Mudane Axmed Madoobe, walow Madaxweynaha Jubbaland wadey waayadii u danbaysay qorshayaal uu Maamulkiisa kaga dhaadhicinaayo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobalka Gedo oo si weyn u diidan Maamulkaas.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka taqalusay saxiibkiisa Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo xiliyadii adkaa ee Jubbaland ahaa Madaxweyne Ku-xgeenka 1-aad ee Jubbaland, ayaa dhanka kale dib usoo magacaabay Madaxweyne ku-xigeenkii 2-aad Suldaan Cabdiqaadi Lugadheere.
Axmed Madoobe ayaa muda dheer laga sugaayey inuu soo magacaaboo Golihiisa Wasiirada, waxaase lagu wadaa inuu maalmaha soosocda shaaciyo Golaha Wasiirada Jubbaland, Iyadoo Baarlamanka Maamulkaasi uu mudooyin badan oo uu kusoo magacaabi karo Golihiisa Wasiirada siiyey.