Baladweyne(Puntland Post)-Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa kor meeray buundada Liiq-liiqato ee Magaalada Baladweyne oo laga baqsanaa maalmihii danbaba inay u dunto wax yeelada roobabka xoogan oo da’aaya awgeed.
Gudoomiye Ku-xigeenka Gobalka Hiiraan oo saxaafada kula hadlay Buundadaas ayaa digniin adag u diray gawaarida xamuulka ah ee adeegsada inay wadada si taxadar leh u maraan maadama khatar badan kasoo socoto Bundada,
Gudoomiyaha ayaa sheegay inay geyn doonaan Buundadaas Ciidamo ilaaliya adeegsiga buundada si looga hortago shilal ka yimaada halkaas.
Buundadaas oo mudo dheer dhisnayd ayaa Muhiim u ah isku socodka Gobalada Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya, waxayse u muuqata mid aad u ildaran maadama aysan muda dheer helin wax dayac tir ah oo la taaban karo.
Puntland Post