Garowe(Puntland Post)-Degaanada Puntland waxay ahaayeen meesha kaliya ee ay ka socoto lacagta Shanta boqol ee Shillinka Soomaaliga Guud ahaan Dalka Soomaaliya, Koonfurta ayaa lacagtan laga joojiyey ku dhawaad 15 sano kahor hase ahaate Puntland ayey kasii socotay tan iyo asbuucyadii ugu danbeeyey oo Guud ahaanba Ganacsatada Puntland diideen in wax lagaga iibsado.
Shanta boqol ayaan la soo daabicin tan iyo Burburkii Dawladii dhexe ee Soomaaliya sida Kunka Shilling oo maalin walba lagu daabaco daafaha Soomaaliya siyaabo kala duwan, Ganacsatada Puntland ayaa joojinta lacagtan ku sababeeyey inay sii dhamanayso, oo ay si aada usii baba’ayso, sidaa darteedna aysan wakhti badan sii jiri karin hadii lacagtan ay iminka wax ku iibsadaan.
Mid kamid ah Ganacsatada Puntland ayaa u sheegay Warbaahinta Puntland Post inay Dawladu ku amartay in la qaato lacagtan shanta boqol, hase ahaate markii ay isku dayeen inay dib u qaataan ay Dawlada qudheedu diiday inay ku qaadato Canshuurta Ganacsatada laga qaado, ayna taasi sii dhiiri gelisay in lacagtan laga diido Guud ahaan Puntland.
Joojinta lacagtan ayaa ka dhiggan in degaanada Puntland ay ka shaqayn doonto oo kaliya lacagta kunka Shillin, si lamid Koonfurta Soomaaliya oo uu kunka Shillin ahaa lacagta kaliya ka shaqaysa tan iyo sanadkii 2001.
Ma jiro Bangi dhexe oo Dadweynaha ka badela lacagta la joojiyey, mana muuqato wax dareen ah oo ay arintan ka muujisay Dawlada Puntland, waxayna tani khatar dhaqaale ku keeni kartaa Guud ahaan Dadka iyo Dalka.
Puntland Post